Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Ku soo dhawow!

Mudhalada onleenka xiggo ayaa loogu tallogalay daryeelayaasha carruurta yaryar ee qabo Curyaannimada maskaxda ama curyaannimada hormarka la xiriirto ee u diyaar garoobayo inay ku bilaabaan waxqabadka hore qadka caafimaadka. 

Waxaad ku fiirin kartaa modhuladaan kumbuyuutarka, Mobeelka casriga ah, ama tabletka. Waad bilaabi kartaa oo aad joojin kartaa modhulada oo waxaad ku soo laaban kartaa boggaga waxtarka u ahaa waqti dambe.

Waxaad hoos ugu dagi kartaa dhinaca modulada leh falaaraha hoosta bog walba, ama isticmaashid badhamada dhinaca gacanta-bidix ee shaashada si aad uga gudubtid boggaga gaarka ah. Bixiyahaaga ayaa ku weydiin karo dib u eegida modulada qaar ee waqtiyada qaar iyo bixiyahaaga waxaa loo helayaa inay ka hadlaan su'aalaha soo baxo. 

Modhulada ayaa ku dulmarinayo:

  1. Ku xirnaanta tejnooliyada dhinaca qadka caafimaadka,
  2. Qorsheynta kulankaaga qadka caafimaad,
  3. Kula dhameystirka qiimeynta qadka caafimaadka canugaaga, iyo
  4. Waxqabadka qadka caafimaadka ee canugaaga. 

Qaar ka mid ah modhulada ayaa leh kilibyada fiidiyaha gaaban iyo illaha. Mudhul walba wuxuu qaadanayaa qiyaastii 5 illaa 10 daqiiqo in lagu dhameystiro.

Haddii aadan hubin wax ku saabsan kuwa walba ee erayada ugu muhiimsan ee la adeegsaday, fadlan booqo badhanka linkiga “Key  Terms”.