Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Qalabka: Haadhweerka
Arimaha gaarka ah iyo ku dhaqmida shaqooyinka shirka fiidiyaha

Markii aad riixdid linkiga si aad ugu biirtid kulanka, shaashadaada waxay leedahay shaqooyin kala duwan.

Ogaanshaha sida shaqooyinkaan u shaqeeyaan muhiim ayay u tahay illaalinta arimahaaga gaarka ah iyo arimaha gaarka dadka kale ee qoyskaaga.

Raadi oo ku dhaqan daarista/daminta badhanka fiidiyaha. Waxaad rabi kartaa inaad si ku meelgaar ah u damisid fiidiyahaaga inta lagu jiray kulanka arimaha gaarka ah, sida haddii aad u baahantahay inaad badeshid dharka canugaaga.

Raadi oo ku tababaro inaad ku daartid/damisid badhanka “aamusinta”. Waxaad rabi kartaa inaad si ku meelgaar ah u aamusiisid (damisid) dhawaqaaqa inta lagu jiro kulanka, tusaale ahaan waxaad u baahan kartaa inaad la yeelatid sheeko gaar ah xubin qoyska ah ee gurigaaga.

Raadi oo ku tababaro wadaagida shaashada. Qaar ka mid ah boggaga shirka fiidiyaha ayaa kuu ogolaanayo inaad ka wadaagtid dokumintigaaga kumbuyuutarka (ee loo yaqaan “shaashad wadaagida”), haddii aad riixdid badhanka shaashad wadaagida, bixiyaha waxaa u suurtogaleyso inuu fiiriyo waxa ku jiro kumbuyuutarkaaga. Haddii aad wadaageysid shaashadaada, hubi inaad xirtid dokumintiyada gaarka ah oo aadan rabin inaad wadaagtid, sida i-meelkaaga.

Raadi oo ku tababaro inaad ka tagtid wacitaanka/kulanka. Hel meesha aad riixseysid si aad usoo afjartid wacitaanka shirka fiidiyaha ama ka tag. Tan waxaa loola jeedaa in adiga iyo bixiyahaaga aadan markale ku xirneyn oo kuma arki karaan ama kuma maqli karaan oo adigana ma arki karti ama ma maqli kartid iyaga. Tani waa muhiim sababtoo ah haddii aadan ka tagin kulanka oo kaliya xir kumbuyuutarkaaga ama riix badhan ka duwan, waxaa jiro fursad aad weli ugu jireysid wacitaanka fiidiyaha iyo in bixiyahaaga uu weli ku arki karo ama ku maqli karo.

Lahow qaab kuu tilmaamo inaad ku jirtid kulanka onleenka ah. Waa muhiim inaad ogeysiisid dadka kale ee gurigaaga markii aad ku jirtid kulan onleen ah oo aad ku xirantahay bixiyaha si ay u illaaliyaan arimahooda gaarka ah. Qoysaska qaar waxay ka saaran calaamad ama dhajiyaan qoraal dhahayo “kulan onleen ah ayaa socdo” ama waxaad yeelan kartaa tilmaan ah inaad la isticmaaleysid dad kale ee gurigaaga ah si markaas ay u ogaadaan waxa ay dhahayaan ama ay sameeyaan malaha la maqli karo ama laga arki karo kaamirada.