Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Qalabka: Haadhweerka
Tallooyinka meeleynta tejnooliyada gurigaaga (qeybta 1)

  • Xulo qolka iyo aaga meesha aad uga qeybqaadaneysid kulamada qadka caafimaadka.
  • Fiiri aaga si aad u hubisid inay badqab u tahay kulamada.
    • Fiiri oo hagaaji tixgelinada badqabka sida:
      • Miyaad u dhowdahay jaranjaro furan?
      • Miyaad u dhowdahay albaabka banaanka?
      • Miyay jiraan waxyaabo jabi karo (tusaale ahaan, muraayada dhalada ah) oo canugaaga gaari karo?
      • Miyay jiraan alaabta guriga weyn ama culus ama sheeyada aan illaalsaneyn oo ku dhici karo canugaaga?
      • Miyaad u dhowdahay meel dab ah ama meel kale oo kuleel ah ee gubi karto canugaaga haddii uu taabto?
      • Miyaad u dhowdahay sokodyada korontada furan ama fiilooyinka?
      • Miyaad u dhowdahay geesaha afeysan ama adag ama alaabta guriga oo canugaaga isku waxyeeleyn karaan?
      • Waxaa laga yaabaa inay jiraan tixgelinada badqabka ee kale ee laga yaabi inay quseyso canugaaga iyo qoyskaaga, kuwaan kalya waa tusaalooyinka qaar.