Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Cilad ogaanshaha
Qadka Intarneetka/Bandwidth

Xawaaraha intarneetka wuu gaaban karaa markii dad badan ay isticmaalayaan isla qadka ama inta lagu jiro waqtiyada mashquulka maalinta markii dadka ay guriga joogaan oo ay isticmaalayaan intarneetkooda.

Tallooyinka qadka

  • Ka bax wacitaanka oo dib ugu soo laabo
  • U soo dhawey kumbuyuutarka rootarka Intarneetka.
  • Si ku meelgaar ah u yareey tirada dadka gurigaaga ee isticmaalayo WiFi.
  • Jooji fiidiyow walba ee laga daawanayo Intarneetka ee ka socdo gurigaaga.
  • Weydii bixiyahaaga inuu si ku meelgaar ah u damiyaan shaqada fiidiyahooda.
  • Xir boggaga badan ama barnaamijyada furan.
  • Ku xir fiilada Intarneetka.
  • Samey tijaabada xawaaraha onleenka bilaashka ah si loo ogaado sida degdega ee Intarneetkaaga uu yahay oo la shaqey bixiyahaaga Intarneetka si loo kordhiyo haddii loo baahdo (oo hubi inaad heleysid waxa aad horaan u bixineysid).

Google “tijaabada xawaaraha intarneetka” ama isticmaal tibaabada xawaaraha ee websaydka bixiyaha intarneetkaaga. Qor dajisashada oo xarey xawaaraha. Xawaaraha ugu wanaagsan wuu ka duwanyahay, laakin boggaga shirka fiidiyaha waxaa lagu talinayaa 600kbps illaa 1.8 MPS oo xareynta iyo dajisashada bandwidth ee 1:1 wacitaanada fiidiyaha (u sareeyo dad badan oo wacitaanada ku jiro).