Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Cilad ogaanshaha
Fiidiyaha Dhibaato Ogaanshaha/Dhawaqa

Haddii aad la kulmeysid hakinta fiidiyaha ama dhawaqa, waxay u badantahay inay sabab u tahay xiriirka (fiiri bogga hore).

Haddii ay ku dhabeyso inaad ka shaqeysiiso fiidiyahaaga ama dhawaqa, waxaa jiri karo xaalado kale.

Tallooyinka Fiidiyaha/Dhawaqa

  • Hubi meesha fiidiyaha ama dhawaqa uu ka socdo, kani caadi ahaan waa linkiga loo yaqaan “settings” oo shaashadaada adiga oo ku xiran kulanka. Waxay sidoo kale u muuqan kartaa sida “geer” ama sida “sadex dhibcood.”
  • Haddii aad cilad ku qabtid inaad inaad maqashid bixiyahaaga, kadib waa inaad hubisaa “sameecadaha.”
  • Haddii bixiyahaaga cilad ku qabo inuu ku maqlo, markaas waa inaad hubisaa “maykrafoonka.”
  • Haddii aad leedahay noocyo badan oo kale duwan oo fiidiyaha/dhawaqa ku xiriirsan (sida kaamirada kumbuyuutarka banaanka ama sameecada dhagaha Bluetooth), hubi in fiidiyahaaga ama dhawaqaaqa uu ka imaanayo illaha saxda ah. Waxaa jiri karo illo qalad ah oo la xusho badelkii aaladaada doorbiday.
  • Haddii aad weli cilad ku qabtid, waad ka furi kartaa aaladaha kale oo isku day inaad isticmaashid fiidiyaha/dhawaqa ku yimid aalada.
  • Haddii uu kuu yaalo aalad kale gurigaaga (sida tablet ama Mobeelka casriga ah) waad isku dayi kartaa inaad ku xiriirisid aalada kale.
  • Xir boggaga badan ama barnaamijyada furan.