Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Dhiirogelinta

Waxaan dhammaanteen isticmaalnaa dhiirogelino nolol maalmeedkeena, gaar ahaan markii aan baraneyno xirfado cusub. Tusaale ahaan, waxaan badanaa isticmaalnaa kalendaro ama sameynaa liisaska lagu jadwaleynayo maalmaheena. Kuwaan waa tusaalooyinka dhiirogelinta ku jirto nolosheena.

Dhiiirogelinta ayaa loo isticmaalay inay barto canugaaga xirfado cusub.

Bixiyahaaga ayaa kugu jaheynayo qaababka nidaamsan ee lagu isticmaalo dhiirogelinta ka cawinayo canugaaga. Haddii aad qabtid wax su'aalo ah ama aad u baahantahay soojeedino, bixiyahaaga ayaa kugu caawin karo inaad heshid qaabab cusub ee lagu dhiirogeliyo canugaaga.

Sii canugaaga fursada lagu ogolaanayo dhiirogelinta jireed, adiga oo dhahayo waxyaabaha sida “waxaan kugu caawinayaa inaad xiratid kabahaaga” waxay ku caawisaa canugaaga inuu fahmo inay leeyihiin madax banaanida jirkooda. Haddii aad ogaatid in canugaaga diidayo dhiirogelinta (kaa jiidanayo isku dayadaada aad ku caawineysid) tani waa waqti wanaagsan aad ku joojisid oo aad dib u qiimeysid sida loola baro xirfadahaan bixiyahaaga.

Noocyada dhiirogelinta ee la adeegsan karo ayaa ku jiro:

Si tartiib ah ugu caawi canugaaga inuu sameeyo xirfado cusub, sida ku caawinta iyada inay qabsadaan qaado, qalinka sawirka ama ku jaheynta inay gashtaan kabahooda.

Si tartiib ah adiga u isticmaalayo taabashada aad ugu sheegeysid canugaaga isaga oo baranayo xirfad cusub, sida taabashada cagtooda si aad u xasuusisid inay gashtaan kabahooda ama taabanayo gacmahooda si aad u xasuusisid inay isticmaalaan qaado.

U tilmaamida ku aadan wax ka caawinayo canugaaga inuu barto xirfad cusub, sida u tilmaamida kabahooda si aad u xasuusisid inay gashtaan kabahooda, ama u tilmaamida sawir sac ah markii aad ka hadleysid erayga “sac” si aad u tusiisid in sawirka laga wado waxa aad leedahay.

Adiga oo dhahayo wax xasuusinayo ama ku caawinayo canugaaga inuu barto xirfad cusub, sida dhahida “isticmaal qaado” si aad u xasuusisid iyaga inay isticmaalaan qaadadooda markii ay cunayaan yoogadka qaar, ama “saca dhahayo moo” kadib weydiinta canugaaga dhawaqa saca sameeyo.

Siinta sawirada ama erayada ama tilmaamaha kale ee muuqaalka si ay uga caawiso canugaaga inuu barto xirfad cusub, sida saacada xisaabinta muuqaalka si aad u tusiisid waqtiga socdo isaga oo canugaaga sugayo howsha bilaabaneyso ama jadwalka muuqaalka ee muujinayo tallaabooyinka lagu dhamesytirayo gacmo dhaqashada.

Carruurta waxay leeyihiin xoogag badan, iyaga oo baranayo xirfadaha, kuwaan waxay noqon karaan ku dhiirogelin qeybta xirfadaha xigo ee ay bartaan. Tusaale ahaan, haddii canugaaga uu bartay inuu ku daydo falka 1 ciyaar, tani waxay u noqon kartaa dhiirogelin ay ku bartaan ku dayashada falalka 2 ciyaar.