Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Yareynta Dhiirogelinta

Kaliya sida muhiimka ah ee aad ku caawineysid canugaaga inuu sameeyo xirfado cusub, waa ogaanshaha goorta la bilaabayo ku dhiirogelintooda inay u sameeyaan xirfadaha si madax banaan.

 Yareynta dhiirogelinta waxaa ku jiro xeeladaha lagu yareynayo isticmaalka dhiirogelinta illaa carruurta ay uga sameynayaan xirfadaha iqtiyaarkooda, markii ay ku haboontahay.

Waxaa jiro waqtiyada qaar markii yareynta dhiirogelinta aysan muhiim aheyn. Ka fakarida tusaalaheena ku saabsan jadwalada iyo kalendarada, kuwaan waa dhiirogelinta muuqaalka ee kuwa badan oo inaga ah aan adeegsano maalin walba oo aan u baahneyn in la yareeyo.

Si kastaba, markii aad bareysid xirfado cusub, waxaa jiro waqtiyo markii yareynta dhiirogelinta ay muhiim tahay si ay uga caawiso carruurta inay bartaan u sameynta xirfadaha si madax banaan. Sida canugaaga oo baranayo isticmaalida qaado lagu quudinayo nafsadooda, ama barashada xiriirinta wax ay ku arkaan meel kuu dhow.

Bixiyahaaga ayaa kaala shaqeyn karo yareynta dhiirogelinta oo tallaabooyin yaryar, si ay uga caawiso canugaaga inuu ku guuleysto oo uusan ku niyad jabin.

Isaac wuxuu baranayaa inuu gashto kabahiisa. Tani waa sida dhiirogelinta loogu yareeyo si ay u caawiso.

  1. Aabaha ayaa ku caawiyo Isaac dhiirogelinta jireed ee ku hagayo gacmahiisa illaa tallaabooyinka ku gashanayo kabahiisa,
  2. Kadib markuu Isaac ku guuleystay Tallaabada 1, Aabaha wuxuu bilaabay inuu kaliya si fudud u taabto kabaha oo ka dib taabto ciribta Isaac si u tusiiyo Isaac inuu ka jiido kabaha ciribtiisa.
  3. Kadib markuu Isaac ku guuleystay Tallaabada 2, Aabaha ayaa kaliya tilmaamayo kabaha oo ka dib si hadal ah u xasuusinayo Isaac inuu “kor u jiido” (dusha ciribtiisa).
  4. Kadib markii Isaac ku guuleysto Tallaabada 3, Aabaha wuxuu sugayaa 30 ilbiriqsi si uu u arko haddii Isaac u sameyn karo tallaabooyinka iqtiyaarkiisa, haddii Isaac bilaabo inuu caawin u baahdo; Aabaha ayaa ku siiyo dhiirogelin Tallaabada 3.

Demetrius wuxuu baranayaa inuu fahmo erayada cuntooyinka guud.

Hooyada ayaa ku caawiso Demetrius inuu barto si ay ugu tilmaamto dhoor sawiro oo cuntooyinka oo cuntooyinka lagala hadlay. Halkaan waa sida dhiirogelintaan looga yareeyo si ay u caawiso isaga.  

  1. Hooyada waxay ku hadashay erayga “tufaax” iyo kadib taabtay sawirka tufaaxa si ay ugu tilmaamto in Demetrius aheyd inuu taabto ama xusho sawirkaas.
  2. Kadib markuu Demetrius ku guuleystay Tallaabada 1, Hooyada waxay ku hadashay erayga “tufaax” oo kadib u tilmaamtay sawirka tufaaxa si ay ugu tilmaamto in Demetrius aheyd inuu tilmaamo ama xusho sawirkaas.
  3. Kadib markii Demetrius uu ku guuleystay Tallaabada 2, Hooyada waxay ku hadashay erayga “tufaax” oo sugtay 30 ilbiriqsi si ay u aragto haddii Demetrius uu tilmaamayo ama xulanayo sawirka tufaaxa.

Mia waxay baraneysaa inay sheegto codsiyada waxyaabaha ay jeceshahay.

Ayeeyada ayaa ku caawiso Mia inay codsato juus iyada oo isticmaaleyso kaararka sawirka. Halkaan waa sida dhiirogelintaan looga yareeyo si ay u caawiso iyada. 

  1. Ayeeyo waxay ku shubtay juus yar koob ay siisay Mia. Markii Mia cabtay oo koobkana ebar yahay, Ayeeyo ayaa si tartiib ah ugu hagtay Mia inay ka xulato sawirka juuska oo ay siiso iyada. Waxay ku shubtay juus badan koobka Mia.
  2. Kadib markii Mia ay ku guuleysatay Tallaabada 1, Ayeeyo ayaa ku riixday sawirka juuska dhinaca Mia oo ay gacanteeda u furtay (si ay ugu tilmaamto Mia inay siin karto kaarka). Markii Mia ay sameysay, Ayeeyo ayaa ku shubtay juus badan koobkeeda.
  3. Kadib markii Mia ay ku guuleysatay Tallaabada 2, Ayeeyo ayaa gacanteeda u furtay oo ay sugtay 30 ilbiriqsi si ay u aragto in haddii Mia ay siineyso sawirka. Haddii aysan siinin, Ayeeyo waxay ku laabaneysaa Tallaabada 1 ama 2.