Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Qiimeynta wareysiga inta lagu jiro bilowga qadka caafimaadka

Qiimeynada qaar, bixiyahaaga ayaa ku weydiinayo su'aalo ku saabsan hormarinta canugaaga ama xirfadaha hadeer.

Dhoor waxyaabo ee laga fakaro markii laga jawaabayo qiimeynada wareysiga:

Waxaa tahay taqasus canugaaga ah!

Bixiyayaasha ayaa laga yaabaa inay ku sameeyaan qiimeynadaan midkood dhinaca taleefonka ama dhinaca shirka fiidiyaha qadka taleefonka. Qiimeynadaan ayaa yara dheeraan karo, marka waa fiicantahay in la nasto. 

Bixiyaha wuxuu ku siinayaa tilmaamaha ku saabsan sida looga jawaabo su'aalaha, tusaale ahaan, su'aalaha qaar ayaa ku weydiin karo inaad qeexdid haddii canugaaga sameeyay xirfado gaar ah isbuuca la soo dhaafay. Su'aalaha kale ayaa ku weydiin karo qeexida baaxada ee marnaba, mararka qaar, marwalba intee jeer ayuu canugaaga sameeyaa xirfad.

Haddii aad ilowdid ama aad ku jahwareertid wax ku saabsan tilmaamaha, waad weydiin kartaa bixiyahaaga inuu ku celiyo tilmaamaha ama ku siiyo tusaalooyinka qaar.

Haddii aadan hubin wax ku saabsan jawaabta la bixiyo, waxaad rabi kartaa inaad u qeexdid wax yar bixiyaha waxa canugaaga sameeyo, oo way kugu caawin karaan tilmaamaha dheeraadka ah ama tusaalooyinka.

Waxaan sidoo kale ognahay in mararka qaar ka jawaabida su'aalo badan ee ku saabsan aagaga ku adag canugaaga ama qoyskaaga waxay u adkaan kartaa sida waalid. Ogeysii bixiyahaaga haddii aad u baahantahay inaad nasiinyo qaadatid ama haddii aad dareemeysid murugo.

Xasuuso inaad daryeeshid nafsadaada, waxaad rabi kartaa inaad jadwaleysid waqtiga qaar ee nafsadaada kadib markii aad dhameystirtid wareysiga (aad lugeyn, soo wac saaxib). 

Canugaaga marwalba waa isla canugaaga, dhibaato malahan waxa wargelinta qiimeynta ay ka dhahdo isaga. Raacida qiimeynta ama helitaanka natiijooyinka qiimeynta, waxay noqon kartaa waxtar in lagu qaato waqti loogu fakaro dhammaan awoodaha cajiibka ah ee canugaaga leeyahay iyo waxyaabaha ka dhigo gaar, sida danahooda iyo doorbiditaanada.