Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Qiimeynta kormeerka inta lagu jiro bilowga qadka caafimaadka

Qiimeynada qaarkood, bixiyahaaga wuxuu rabaa inuu kormeero sida canugaaga uga jawaabo xaalado kala duwan. Mararka qaar kuwaan tilmaamo malahan (tusaale ahaan, sida inta lagu jiro Ciyaarta Xorta ah) iyo mararka qaar kuwaan waa la qaabeeyaa, taas oo ay isku xigto ama diyaarinta xaalada la dajinayo.

Qolka canugaaga agagaarka ugu socdo.

Aaga loogu tallogalay boombalooyinka iyo alaabaha la isticmaalayo inta lagu jiro waxqabadka (sida jooga qaanadaha caaga ah, safka iska faalooyinka, biinka keydka).

Inta lagu jiro qiimeynada qaar, bixiyahaaga ayaa laga yaabaa inuu ku weydiiyo inaad ku haystid boombalooyinka iyo alaabaha si ku meelgaar ah aan loo gaari karin, si markaas canugaaga uu diirada u saaro shaqooyinka qiimeynada.

Inta lagu jiray qiimeynta, bixiyahaaga ayaa ku weydiin karo inaadan ku dhiirogelin canugaaga inuu sameeyo xirfada qaar, sababtoo ah waxay rabaan inay arkaan inta jeer ee canugaaga ku sameeyo xirfada iqtiyaarkooda. Haddii ay ku weydiiyaan inaad ka hartid dhiirogelinta canugaaga, ogow inay tahay kaliya ku meelgaar (inta lagu jiro qiimeynta).