Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Xiriirka aan hadalka aheyn

Xiriirka aan hadalka aheyn ayaa sidoo kale aad muhiim u ah. Waxaan sidoo kale isticmaalnaa qaabab kala duwan ee xiriirka aan hadalka aheyn oo lagu muujinayo nafsadaheena, sida hoos geynta ama luxida madaxyadeena, tilmaamida, ama qaabab kale ee tilmaamaha.

Xiriirka aan hadalka aheyn ayaa sidoo kale aad muhiim ugu ah carruurta hormarinayo luuqada. Qaababka hore ee xiriirka ka dhacaa luuqada adag horteeda waxaa loo yaqaan “xiriirka luuqada hore.” Waxaa ku jiro dhammaan noocyada xiriirka ee carruurta isticmaasho iyaga oo hormarinayo luuqada.

Dhiirogelinta xiriirka aan hadalka aheyn iyo xiriirka luuqada hore aad ayay muhiim ugu tahay hormarinta luuqada.

Waxaa ku jiri karo qaababka xiriirka sida:

  1. Xubno ku tilmaamida
  2. Dhawaq sameynta,
  3. Ku tusintaada shey,
  4. Tilmaamida ku socoto ama gaarista shey,
  5. Qabashada gacanta qof oo u hogaaminayo aaga ama shey, ama saarida gacantooda shey,
  6. Xiriirka indhaha ama fiirinta indhaha ayaa iska badelo inta u dhaxeyso qof iyo sheeyada, aagaga, ama dadka kale
  7. iyo, waqtiyada, qaababka hab dabeecada faragelinta (sida dhufashada dadka kale ama qaniinida shaqsiga qofka).