Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Dabeecada faragelinta

Carruurta waxay ka qeyb qaadan karaan hab dabeecada faragelinta. Dabeecada faragelinta ayaa faragelin karo waxbarashada canugaaga, oo ay ku jiraan badqabka nafsadooda iyo dadka kale. Waxqabadyada ayaa ku caawin karo yareynta dabeecada faragelinta iyada oo loo marayo dhibaato xalinta oo ku caawinayo canugaaga barashada qaababka kale ee lagu xiriiro. Guud ahaan waxqabadyadaan waa inay ujeedkeeda ahaataa hormarinta tayada nolosha canugaaga. 

Dabeecada faragelinta ayaa ku jiri karo dabeecada is dhaacida (sida ki dhufashada madaxa qofka dhulka, ama qaniinida shaqsiga qofka), gardarada ku aadan dadka kale (sida dhufashada ama riixida dadka kale), cod karnimada ama ka ordida daryeelayaasha, baabi'inta dhismaha (sida tuurista sheeyada culus ama la jabin karo), ama qaababka kale ee dabeecadaha oo si la filayo badqab u aheyn ama aad u carqaladeeyo waxbarashada canugaaga.

Iyada oo carruurta sii korayo, waxay badanaa ka qeybgalaan qaababka qaar ee dabeecada faragelinta. Micnaheeda ma ahan in carruurta ay isku dayayaan inay si xun u dhaqmaan ama ay sameeyaan wax qaldan. Dabeecada faragelinta ayaa sidoo kale laga yaabaa inay xiriiriso inay wax kale qaldanyihiin, sida canugaaga dareemayo jiro ama inuu daalanyahay.

Waa muhiim in la siiyo waxqabad wanaagsan oo firfircoon dabeecada faragelinta si markaas ay ugu adkeysato ama ka sii darto. Tani waa aaga meesha taageerada xirfadlayaasha ay ku caawinayaan xog aruurinta iyo si loo abuuro oo lagaaga caawiyo fullinta qorshaha waxqabadka la gaareeyay. Waxqabadka ayaa badanaa xooga saarta ku taageerida canugaaga inuu hormariyo xirfado cusub oo lagu xiriiro. 

Dabeecada faragelinta ayaa tilmaami karto inay jiraan arinta bayaloojiga iyo shaqada caadiga ah ee jirka oo looga qeybgalayo, sida canuga la kulmayo xanuunka arinta ilkaha ama dareemida jirnaanta. waa muhiim in laga hadlo dabeecada faragelinta iyo bixiyayaasha daryeelka caafimaadka canugaaga. 

Dabeecada faragelinta ayaa noqon karto qaababka ay carruurta ugu xiriiraan xaaladaha oo aysan hadeer sheegeynin. Tusaale ahaan, canuga ayaa baran karo in markii uu timahooda shanleynayo waalidka oo ay qaniinaan gacmahooda, in waalidkooda uu joojiyay shanleynta timahooda. Sidaas darteed, canuga ayaa sii wado inuu qaniino waaladiintooda markii ay jiraan shaqooyinka aan wanaagsaneyn iyo jadwalada ka joojinayo.

Carruurta ayaa sidoo kale ku xanaaqi karo ama la murgoon karo markii jadwalada ama waxyaabaha aysan si lama fillaan u badelmaan ama aanan la saadaalin karin.