Bilaabida qadka caafimaadka ee loogu tallogalay waxqabad hore: Barashada dulmarka mudhalada

Waa maxay Qiimeynta Sharaxaada Qaabeysan

Hal nooc oo qiimeynta kormeerida oo waxtar yeelan kara markii la bilaabayo waxqabadka qadka caafimaadka ayaa ah Qiimeynta Sharaxaada Qaabeysan (Anderson & Long, 2002).

Qiimeynadaan waxay ku caawisaa bixiyayaasha inay bartaan: 1) xaaladaha meesha laga yaabo in canugaaga ku dhiiranyahay in la xiriiriyo, 2) sida canugaaga u xiriirayo inta lagu jiro jadwalada maalinlaha caadiga ah, 3) haddii canugaaga ka qeybgalo dareen wadajir ah inta lagu jiro jadwaladaan, iyo 4) haddii canugaaga ka qeybgalo dabeecad walba faragelineyso.

Qiimeynta Sharaxaada Qaabeysan, bixiyahaaga ayaa ku weydiinayo wax ku saabsan jadwalada caadiga ah ee kala duwan ee maalinta canugaaga. Jadwaladaan waxaa inta badan ku jiro waxyaabaha sida waqtiga cuntada, dhacdooyinka ciyaarta kala duwan, iyo jadwalada is daryeelida (tusaale ahaan, buraashida ilkaha).

Markii bixiyahaaga go'aansado dhoor jadwalo la kormeerayo, waxay ku weydiinayaan inaad la sameysid jadwaladaan kala duwan canugaaga oo muddo waqti gaaban (5 ama 10 daqiiqo). Adiga oo sameeyo jadwalada, bixiyahaaga ayaa kormeerayo sida canugaaga u xiriiro inta lagu jiro waqtiyadaan. Waxay ka taxadarayaan labadaba qaababka hadalka ama aan hadalka aheyn ee xiriirka. 

Tixraacyada

Anderson, C. M., & Long, E. S. (2002). Use of a structured descriptive assessment methodology to identify variables affecting problem behavior. Journal of Applied Behavior Analysis, 35, 137-154.

Dimian, A. F., Elmquist, M., Reichle, J., & Simacek, J. (2018). Teaching communicative responses with a speech-generating device via telehealth coaching. Advances in Neurodevelopmental Disorders2, 86-99.

Simacek, J., Dimian, A. F., & McComas, J. J. (2017). Communication intervention for young children with severe neurodevelopmental disabilities via telehealth. Journal of Autism and Developmental Disorders, 47, 744-767.